Dagaal ay ku dhinteen Askar oo ka dhacay Gobolka Galgaduud

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal khasaaro badan dhaliyay oo ka dhacay Gobolka Galgaduud, kaasi oo dhexmaray Ciidanka Galmudug iyo Dowladda oo dhinac ah iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Taliyihii guutada 13-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Gaashaanle Dhexe Cali Maxamed Soocadde iyo saddex askari oo kale aya ku dhinteen.

Dagaalka u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo iskaashanaya iyo Al-shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Cadakibir ee gobalka Galgaduud, oo qiyaastii 60km hanka Bari kaag beegan Magaalada Cadaado.

Ciidamada iskaashanaya ayaa weeraray deegaanka Cadakibir, halkaas oo Al-shabaab ay ku suganaayeen, waxaana ka dambeeyay dagaal aad u xooggan oo labada dhinac dhexmaray, kaasi oo la sheegay in ku dhawaad saaacd uu si toos ah u socday.

Sidoo kale wararka ayaa intaas ku daraya dhaawac halis uu soo gaaray Saraakiil ay ka mid yihiin  Talihiyii Qeybta 21 General Cigaal Iyo Iyo Gaashaanle Sare Gasaawe Oo Ka Tirsan Saraakiisha  Ciidamada Xoga dalka.

Al-shabaab ayaa maalmo ka hor weerar ku qaaday deegaanka Baxdo oo u dhow Cadakibir, halkaas oo dadka deegaanka ay kala kulmeend agaal xooggan.