Dadkii ugu badnaa oo Maanta Muqdisho ugu geeriyooday Coronavirus

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in Dad hor leh oo ku sugan Magaalada Muqdisho laga helay Cudurka Coronavirus oo u muuqda mid kusii faafaya gudaha Caasimadda dalka.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda ayaa waxaa lagu sheegay in Maanta dalka laga helay 49 Ruux oo qaba Cudurka Coronavirus.

Sidoo kale Qoraalka Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa xusay in Maanta kaliya Muqdisho ay Cudurka COVID-19 ugu geeriyoodeen 6 Ruux, waana tiradii ugu badneyd ee la diiwaan-geliyay dalka.

Tirada guud ee dadka laga helay Cudurka Coronavirus ee dalka Soomaaliya ayaa gaartay 286 Qof, waxaana dalka ugu dhintay Cudurka 14 Ruux.

Dowladda Soomaaliya oo daryeelka bulshada uu u yahay muhiimadda Koowaad ayaa dadaal xooggan ugu jirta xakameynta cudurkaan COVID-19 ee dhibaatada badan ku haya caalamka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media