Dadkii lagu la’aa daadadkii ku rogmaday Qardho oo la helay

Kadib baadi goob dheer oo loo galay sidii loo heli lahaa dad badan oo ay qaadeen dadaadkii xooganaa ee ka dhashay roobabkii ka da’ay Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar ee P/land ayaa waxaa lagu guuleysay in la helo iyaga oo nool dadkaas.

Wariyeyaal ku sugan Qardho ayaa soo sheegaya in laga In ka badan 10 Ruux oo lagu waayay daadadkii ku rogmaday halkaas, waxaana laga helay goob ay ku Go’doonsanaayeen oo biyaha ay ku celiyeen.

Dadka deegaanka iyo dadweyne kale tegay Puntland ayaa sameeyay dadaadka lagu helay dadkaas, waxaana dib loogu celiyay iyaga oo Caafimaad qaba qoysaskii ay ka maqnaayeen, kuwaasi oo aad uga wel-welsanaa dadkooda.

Magaalada Qardho ayaa daadadkii ku rogmaday waxaa ka dhashay Khasaaro Nafeed iyo mid hantiyadeed, iyadoona halkaas ay ku dhinteen 6 Ruux oo shacab ahaa, waxaana burburay guryo badan oo ku yaalla halkaas.

Sidoo kale Qardho ayaa waxaa ka socda gurmad xoogan oo loo soo sameeynayo dadkii shacabka ahaa ee waxyeelada soo gaartay, waxaana la filayaa in halkaas ay gaaran gurmadyo kala duwan oo isugu jira Cunto iyo Daawooyin.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media