Dadkii laga soo masaafuriyey Somaliland oo gaaray degaano ka tirsan Puntland

Boqolaal dad ah oo shalay Somaliland kasoo masaafurisay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa habeenkii xalay aheyd gaaray deegaano ka tirsan Maamulka Puntland, iyagoon halkaas siweyn loogu soo dhaweeyay.

Dadkaan oo isugu jira Odayaal, dhalinyaro, Carruur iyo Haween lagana soo masaafuriyey Laascaanood ayaa gaaray degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal, waxaana soo dhaweeyay Maamulka degmadaas iyo qeybaha Bulshada.

Dadka oo saarnaa gaadiida nooca xamuulka qaada ah ayaa la arkayay, iyaga oo la siinayo Timir iyo Cabitaano, isla markaana la sheegay in Puntland ay qorsheyneyso inay dib u dejin u sameeyso, maadaama laga soo masaafuriyey halkii ay kunoolaayeen.

Sidoo kale gaadiid siday dad farabadan oo kamid ah kuwii shalay Somaliland soo masaafurisay ayaa saakay gaaray deegaanka Daarasalaam ee Gobolka Mudug oo u dhow magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Dadweyne is-xil qaamay oo kamid ah dadka deegaanka Gobolka Mudug ayaa soo dhaweyn u sameeyay dadka tegay degaanka Daarasalaam, isla markaana waxaa durbadiiba loo geeyay cunto iyo biyo, iyagoona ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay.

Dadka ay Somaliland kasoo masaafurisay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa kasoo jeeda koonfurta Soomaaliya, waxaana dadkaas ay ku eedeysay falal amni darro ah oo muddooyinkii dambe ka dhacaayay Magaaladaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor