Dadkii dilay Fanaan Hachaaluu Hundeesaa oo gacanta lagu dhigay

Ra’iisul Wasaaaraha Itoobiya Dr Axmed ayaa sheegay rabshadihi maalmihi ugu dambeeyey ka socda dalka Itoobiya ee ay soo maleegeen waxa uu ku sheegay cadowga dalka Itoobiya iney laamaha ammaanka Federaalka iyo Deegaanka oromada aysoo afjareen.

Ra’iisul Wasaaaraha oo shir jaraa’id oo uu kaga hadlayo xaaladda dalka itoobiya uu ku sugan yahay qabtay ayaa sheegay dowladdu iney qabatay gacan ku dhiiglayaashi dilay fannaanki caanka ahaa Hachaaluu Hundeesaa, balse ay harsan yihiin kooxihii dilkaasi soo maleegay dowladduna ay ka qaadi doonto tallaabbo adag.

“Shaqsiyaadki dilka iney geteen looga shakiyey waa la hayaa waxaana dilkaasi lugu ku leh shaqsiyaad qaab dhismeedka dowliga ku jira” ayuu yiri.

“Aragtiyada naceybka xambaarsan ee ku saleysan qowmiyad ama siyaasad dalka Itoobiya wixi hadda ka dambeeya boos ugama bannaana, xoogagga doonayey iney dalka Itoobiya dhiig ku daadiyaanna waxaan u sheegayaa iney riyadoodaasi marnaba rumoobeynin” ayuu yiri.

Dr Abiy Axmed oo telefishiinka qaranka ee dalka Itoobiya ka soo muuqday isaga oo ku labbisan labbiska ciidamada ilaalada qaranka ayaa mahad ballaadhan u soo jeediyey:

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media