Dadka laga helay Cudurka COVID-19 ee Somaliland oo kordhay

Somaliland ayaa Maanta oo Axad ah shaacisay inay diiwaan-gelisay Dad Cusub oo qaba Cudurka halista ah ee Coronavirus, waxaana Cudurka uu yahay mid kusii faafaya deegaano dhowr ah oo ka tirsan halkaas.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay Cudurka laga helay 18 qof, kadib markii lagu sameeyay baaritaano, sidaasina lagu xaqiijiyay inay Cudurka qabaan, iyadoona tirada guud dadka laga helay COVID-19 ee Somaliland gaartay 304 qof.

Bukaanadan waxa ay kala degan yihiin Magaalada Hargeysa 14 qof, Berbera 3 qof iyo Burco oo ah 1 qof, kuwaasi oo da’dooda u dhexeeyso 20 jir ilaa 60 jiro, waxaana si deg deg ah loo geliyay xaalad karantiil ah , si aysan u sii faafin Cudurka.

Sidoo kale Somaliland ayaa tilmaamtay in xanuunka ka bogsatay 7 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay 40 qof, waxaana Cudurka halkaas ugu dhintay saacadihii lasoo dhaafay laba qof oo ku noolaa Hargeysa, waxaana tirada dadka xanuunkan Somaliland ugu dhintay ay gaartay 21.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media