Dadka laga helay Cudurka COVID-19 ee Puntland oo kordhay

Wasaaradda Caafimaadka dowlad Goboleedka Puntland ayaa shaacisay markale Dad Cusub oo laga helay Cudurka halista ah ee Coronavirus, iyadoona uu u muuqdo Cudurka mid kusii faafaya deegaanada maamulkaas.

Warbixinta maalinlaha ah ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in saacadihii lasoo dhaafay Cudurka laga baaray 74 qof, isla markaana laga helay 21 kamid ah dadkaas laga helay xanuunka safmareenka ah ee COVID-19.

Dadka laga helay Cudurka oo isugu jira Rag iyo Dumar ayaa ku kala sugan Magaalada Gaalkacyo dhinaca Puntland 1 qof, Boosaaso 1 qof  laascaanood dhinaca Puntland 1 qof iyo Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal oo ay ku sugan yihiin 18 qof.

Tirada guud ee dadka xanuunka laga helay deegaanada Maamulka Puntland ee shaybaarku xaqiijiyey ayaa haatan gaartay 291 qof , waxaa u dhintay 8 qof, halka ay ka bogsadeen 43 qof, sida ay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka Puntland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media