Dadka ka bogsaday Cudurka COVID-19 ee Somalia oo kordhay

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona waxay ku xaqiijisay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay 66 xaalado cusub oo COVID-19. Waxaa cudurka ka bogsooday 27 qof, waxaana geeriyooday 2 Ruux.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in 55 kamid ah bukaannada la xaqiijiyay ay rag yihiin halka 11 kalena ay yihiin haween.

46 ka mid ah bukaannada cusub waxaa laga diiwaan geliyay Somaliland , Koonfur Galbeed 2, Jubbaland 1, Gobalka Banaadir 5 iyo iyo Puntland 12 qof.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 2,579 waxaa bogsootay guud ahaan 559 ruux. Halka 87 ruux oo kale ay u geeriyoodeen cudurka.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa ugu baaqday mawaadiniinta Soomaaliyeed guud ahaan inay qaataan talooyinka caafimaad iyo wacyi gelinta looga digayo qatarta cudurka, qaybta uga aadanna ay ka qaataan dadaallada ka hor tagga iyo xakeynta Feyruska Karoona.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media