Dadaalo lagu xalinayo xaaladda ka taagan Baladweyne oo weli socda

Wasiirka Arrimaha gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa weli Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ka wada dadaalo kala duwan oo lagu xaliyo xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Gobolkaas.

Wasiir Mukhtaar ayaa mar kale kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka ee Baladweyne, wuxuuna kala hadlay sidii loo xalin lahaa tabashooyinkii ka dhashay Doorashadii ka dhacday Magaalada Jowhar iyo xaalada ka taagan Hiiraan.

Wasiirka Arrimaha gudaha ayaa aqbalay qodobo kala duwan oo ku aadan tabashooyinka ay qabaan Odayaasha dhaqanka laguna xalin karo, waxaana la sheegay in arrintaas uu u gudbin doono dowladda Federaalka.

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay Banaanbaxyo rabashato waday oo looga soo horjeeday doorashadii Jowhar iyo Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, iyadoona banaanbaxyada qaarkood loo xiray xubno kala duwan oo u badan Ganacsato.

Sidoo kale duleedka Magaalada waxaa ku sugan Jabhad uu hoggaaminayo Gen. Abuukar Xaaji Warsame Xuud oo kasoo horjeeda Hirshabeelle, iyagoona dagaal xoogan la galay Ciidanka dowladda Federaalka, waxaana  ka dhashay khasaaro, wallow aan la caddeyn.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa baajiyay safari uu ku tegi lahaa Xarunta Gobolka Hiiraan, xili halkaas ay ka socdeen  rabashado isaga looga horjeeday, hayeeshee Wasiir Mukhtaar ayaa wada dadaalo kala duwan oo lagu doonayo in lagu xaliyo xaaladda taagan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media