Dad lagu xasuuqay degaano ka tirsan Dowlad Deegaanka Soomaalida

Maleeshiyaad isugu jira Canfar iyo Tigreey ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay weeraro geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ku qaadeen degaano ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Maleeshiyaadka ayaa dhowr jiho ka weeraray Magaalo lagu magacaabo Garbe-ciise oo ku taalla galbeedka Gobolka SITI ee dowlad deegaanka Soomaalida, iyagoona halkaas ku dilay dad badan, halka kuwo kalena dhaawac u geystay.

Fowzia Afcase oo kamida dadka Degaanka la wareeray oo la hadashay Telefashinka Dalsan ayaa u sheegtay in Maleeshiyaadka Canfarta iyo Tigrey-ga ay xasuuq ka geysteen Garbe-ciise oo lagu dilay dad shacab oo aan waxba galabsan.

Sidoo kale Fowzia Afcase ayaa tilmaamay in sidoo kalen degaanka laga afduubtay in ka badan 40-dumar ah oo kunoolaa Garbe-ciise, isla markaana maleeshiyaadka hubeysan ay xir-xireen dad ku jiray Masaaj, ayna weli ku sugan yihiin degaanka.

Waxaa kaloo ay sheegtay in dhibaato xoogan ay ka taagan tahay Magaalada Garbe-ciise iyo deegaano kale oo hoostega, isla markaana inta badan dadkii halkaas kunoolaa ay guryahooda isaga barakaceen, halka qaarkood dadka loo geystay falal isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.

Si kastaba degaano iyo Magaalooyin ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida ayaa waxaa ay horey uga dhacay weeraro lagu xasuuqay dad shacab ah, waxaana inta badan falalkaas geystay ciidanka deegaanka Canfarta ee dalka Itoobiya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor