Dad shacab ah oo lagu af-duubtay degaan ka tirsan Gobolka Sool

Wararka aan ka heleyno Gobolka Sool gaar ahaan deegaanka Carrooley ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas xalay fal af-duub ah loogu geystay dad shacab ah, kuwaasi oo weli la ogeyn halka la la’aaday.

Kooxo hubeysan ayaa lasoo weriyay in dadkaan ay ka af-duubteen deegaanka Carrooley, xili ay socdaal dhulka uga yimaadeen beeraha Xalin oo ka tirsan degmada Taleex ee Gobolka Sool dhinaca Maamulka Somaliland.

Wararka intaas kusii daraya in kooxaha falka geystay ay u abaabul naayeen hab beeleed, kuwaasi oo la sheegay inay ka careysan yihiin Nin lagu magacaabo Cabdikariin Cali Nuur oo Somaliland ku xirtay magaalada Berbera.

Dhawaan ayey aheyd markii sidaan oo kale deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool lagu af-duubtay dad shacab ah oo safar ahaa, isla markaana xiligaas lagala degay gaari ay saarnaayen, iyagoo kusii jeeday Tukaraq.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor