Dad Rayid ah oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Koonfurta Afganistaan

20 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay Duqeymo Diyaaradeed, Madaafiic iyo Dagaalo 48-kii saacadood ee la soo dhaafay ka socday Caasimada Gobalka Helmand ee Lashkargah.

Duqeymahaasi waxay kaloo burbur u geysteen Xarun Caafimaad iyo Dugsi.

Telefishinka TOLO News waxa uu ka soo xigtay Ilo dhanka Amaanka inay suurtogal tahay in Diyaaradaha Dagaalka Maraykanka ee B 52 beegsadeen goobahaasi oo ay Maleeshiyada Daalibaan ku sugnaayeen.

Dhanka kale, Wasaaradda Difaaca ee Afghanistaan waxay sheegtay in 570 Maleeshiyo ka tirsan Daalibaan lagu dilay Hawlgalo ka dhacay Gobalada kala ah: Nangarhar, Khost, Logar, Paktia, Kandahar, Herat, Farah, Jowzjan, Samangan, Helmand, Takhar, Kunduz iyo Panshir ee dalkaasi.

Qoraal la soo dhigay Twitter-ka Wasaaradda Difaaca ee dalkaasi ayaa lagu sheegay in Hawlgaladaasi lagu dhaawacay 161 kale oo tirsan Kooxda Daalibaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor