Dad loo xiray fal Maanta lagu gubay Xaruntii Bisha Cas ee Baardheere

Xarun hay’adda Bisha Cas ku laheyd Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa Maanta la gubay, waxaana gubay qaar kamid ah shaqaalihii ka shaqeynayay Xarunta Hay’addaas, sida wararka lagu helay.

Sababta keentay gubida Xarunta Bisha Cas ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay, kadib markii shaqada laga ceyriyay shaqaale ka shaqeynayay Hay’adda, kadibna dagaal gacan ka hadal ah uu dhexmaray shaqaalaha laga ceyriyay shaqada iyo kuwa shaqeynayo.

Sawirro laga soo qaaday Xarunta ayaa muujinaya bur-bur xoogan oo gaaray Bakhaarada, dadka deegaanka ayaa isku dayay in ay demiyaan dabka, hayeeshee waxa ay ku guul-dareysteen deminta dabkaasi oo geystay khasaaro hantiyadeed.

Guddomiyaha degmada Baardheere Maxamed Wali Yuusuf Qorax oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in laamaha amaanka degmada ay soo xireen 8 qof oo ka dambeeyay falkii Maanta lagu gubay Xarunta Bisha Cas ee Baardheere.

Guddoomiye Maxamed Wali ayaa tilmaamay in sharciga ka horgeyn doono dadka loo qabtay falka gubida, isla markaana laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan dadkaas oo dhammaantood ah shacab.

Si kastaba Dhacdadii Maanta lagu gubay Xaruntii hay’adda Caafimaadka ee Bisha Cas ku laheyd Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa aad looga hadal hayaa Magaaladaas, waxaana sigaar ah dabka uu u sameeyay Bakhaarada Daawada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor