Dad loo xiray Banaanbixii ka dhacay Magaalada Muqdisho

Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ay xireen qaar kamid ah dadkii saakay Banaanbaxa ka dhigay Taaladda Daljirka Daahsoon ee Gobolka  Banaadir.

Dadka dhigaayay Banaanbaxa ayaa isugu jiray Caruur, Haween, dhalinyaro iyo Odayaal, waxaana ay ahaayeen dadkaas kuwo Banaabaxooda uga soo horjeeda Madaxda Dowladda Federaalka.

Sidoo kale banaanbaxayaasha ayaa ku qeylinayay Ereyo ay uga soo horjeedan Madaxweynaha, waxaana kamid ah “doonimeyno Madaxweyne Farmaajo” iyo Ereyo kale, sida lagu arkayay Muqaalo laga soo duubay dadkaas oo lagu faafiyay baraha Bulshada.

Dadka ay xireen Ciidanka Booliska ayaa waxaa ku jiray Guddoomiyihii hore degmada C/casiis Cusmaan Muxiyadiin Cariif oo ka mid ahaa horjoogayaasha dadkii banaanbaxa dhigay, kuwaasi oo rasaas ay ku kala Eryeen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya.

Ciidamo fara badan ayaa la soo dhoobay agagaaarka Daljirka Dahsoon, kuwaasi oo isugu jira Milateri iyo Boolis ah, waxaana la xiray waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Daljirka Dahsoon ee Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir .

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media