Dad loo qabtay rasaas lagu furay Masjid ku yaalla Magaalada Guriceel

Ciidanka amniga Magaalada Guriceel ee Gobolka Galagduud ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgalo ballaaran ka sameeyay xaafado ka tirsan Magaaladaas, waxaana laga helayaa faah faahino.

Howlgalka Ciidanka amniga ayaa intii uu socday waxaa ay ku qabteen dad u badan dhalinyaro, kuwaasi oo looga shakiyay inay ku lug lahaayeen rasaas xalay lagu furay Masjida Beder ee Guriceel, kadib salaadii maqrib ee xalay.

Saraakiisha Ciidanka amniga ayaa sheegay in dadka howlgalka lagu qabtay haatan lagu wado baaritaano kala duwan, waxaana dadka qaarkood la sheegayaa inay ku jiraan rag Ganacsato oo caan ka ah gudaha Magaaladaas.

Rag hubeysan oo la aqoon waxa ay ahaayeen ayaa xalay rasaas dhowr ah ku furay Masjidka Beder ee Magaalada Guriceel, iyadoo aysan jirin cid wax ku noqotay, marka laga reebo rasaasta oo ku dhacday derbiga Masjidka.

Masjidkan ayaa kamid ahaa Masaajidyadii ku xirmay Dagaalladii Magaalada Guriceel kal horey ku dhexmaray Ahlusunna Waljameeca iyo Al-shabaab, iyadoona dhawaan ay dib u fureen maamulka Shirkadda Bader ee Guriceel.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media