Dad lagu qafaashey Macbad Yuhuuddu ay leedahay oo la sii daayey

Wadaad macbad ku yaalla magaalada Taxes ee dalka Mareykanka oo sabtidii la qafaashey, ayaa ka hadley sida uu kursi ugu tuurey nin hubeysan oo qafaashey, si uu uga baxsado.

Isaga iyo laba kale oo la qafaashay, ayey duruufta u saamaxdey iney kasoo baxsadaan kuwii afduubka ku heystay, iyadoo aan xabad dhicin, kadib markii halkaasi ay ku jireen toban saacadood.

Afduubaha, ayaa waxaa lagu magacaabi jirey Malik Faisal Akram, oo heysta dhalashada dalka Ingiriiska, iyadoo la toogtey kadib markii uu iska hor imaad dhex mareen booliiska.

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa ku tilmaamey dhacdadani afduubka mid fal argagaxiso ah.

Baadari Charlie Cytron,-Walker, ayaa u sheegay BBC-da warbaahinta ay bah wadaagta yihiin ee CBS, in kooxdoodu ay tukanayeen markii ay maqleen jug weyn, taasoo markii danbe isu badashey afduub hubeysan.

Baadariga ayaa intaa ku darey in xiligii la heystay intiisa badan looggu hanjabayey in waxyeello xun loo geysan doonno.

Mid kamid ah la heystayaasha ayaa lasii daayey lix saacadood kadib, halka saddexda kalana ay baxsadeen dhowr saacadood kadib.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor