Dad lagu laayay Dagaal xoogan oo ka socda Magaalada muhiimka ah ee Marib

Ugu yaraan 100 isugu jira mucaaradka Yemen iyo ciidamada dowladda taageersan ayaa 48-kii saac ee tegay lagu dilay dagaal sii xoogeysanaya oo ka socda magaalada muhiimka ah ee Marib, sida ay sheegeen ilo-wareedyo militari iyo kuwa caafimaad.

Sidoo kale, duqeymo dhowr oo ay sameeyeen isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo ayaa lala beegsaday maleeshiyada Xuutiyiinta oo sare u qaaday weerarka ay ku hayaan Marib, oo ah magaalada kaliya ee waqooyi ee ku hartay gacanta dowladda.

Lixdan iyo sideed Xuutiyiin ah iyo 32 taabacsan dowladda ayaa lagu dilay isku dhacyadii ugu dambeeyey, sida ay ilo-wareedyo militari u sheegeen AFP. Khasaarahan ayaa waxaa xaqiijiyey ilo-wareedyo caafimaad.

Mucaaradka ayaan inta badan sheegin khasaarahooda. Hase yeeshee Taleefishinkooda Al-Masirah ayaa ku warramay in 60 duqeymo lala beegsaday Marib, labadii maalmood ee ugu dambeeyey.

Boqolaal dagaal-yahan ayaa bishan la dilay kadib markii Xuutiyiinta ay soo cusbooneysiiyeen ololaha ay ka wadaan caasimadda gobolka hodanka ku ah shidaalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor