Dad lagu Af-duubtay deegaan ka tirsan Gobolka Sool

Wararka aan ka heleyno deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saacadihii lasoo dhaafay lagu qafaashay dad shacab ah, kuwaasi oo ku safraayay gaari.

Koox hubeysan oo aan heytooda la aqoon ayaa dadkaas afduubtay, xili ay kala dageen gaari nooca dadweynaha oo ay saarnaayeen, iyagoona kusii jeeday degaano ka tirsan Gobolka Sool.

Afduubta loo geystay dadkaas ayaa waxaa la sheegay inuu ka dambeeyay, ka gadaal markii Somaliland xirtay Nin lagu magacaabo Cabdikariin Cali Nuur, sida ay ku warrameen dadka deegaanka Tukaraq.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Cabdikariin Cali Nuur lagu xiray Magaalada Laasaacaanood ee Xarunta Gobolka Sool, isagoona lagu eedeeyay inuu taageero u muujiyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Weli lama oga dableyda hubeysan halka ay la aadeen dadkii saarnaa gaariga ee afduubka ugu geysteen deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, mana jiro wax war hal ah oo kasoo baxay Maamulka degaanka kuna aadan falkaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor