Dad ku xirnaa Saldhig Ciidan oo laga saaray loona wareejiyay xabsi

Laamaha ammaanka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa Maanta Saldhiga Magaaladaas ka saaray in ka badan 10 qof oo saacadihii la soo dhaafay lagu soo qabtay howlgal ballaaran oo laga sameeyay halkaas.

Ciidanka amniga ayaa dadka kasoo qabtay xaafado kala duwan oo ka tirsan Baladweyne, kuwaasi oo u badan dhalinyaro, isla markaana ay ku jiraan xubno ka tirsan Jabhadda uu hoggaamiyo  Generaal Abuukar Xaaji Warsame Xuud.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa sheegay in dadka laga saaray saldhiga Baladweyne loo wareejiyay xabsiga guud ee Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo laamaha amniga ay ku wadaan baaritaano kala duwan.

Maalintii shalay aheyd ayey Ciidamada dowladda Federaalka iyo AMISOM gaar ahaan kuwo Itoobiya ay howlgalo ka sameeyeen Magaalada Baladweyne, waxaana lagu soo qabtay dad badan oo qaarkood looga shakiyay amni darro, halka kuwo kalena lasii daayay.

Dhinaca Magaalada ayaa waxaa ka dhaacay baananbax rabashado watay oo ay dhigeen dadka deegaanka, iyagoo uga soo horjeeday Maamulka Hirshabeelle, waxaana qaar kamid ah dadkaas rasaas ku furay ciidanka dowladda, iyadoo khasaaro dhaawacyo ah uu ka dhashay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media