Dad ku sugan Ingiriiska oo ka cabsi qaba in la geeyo Rwanda

Hay’adaha gargaarka ayaa sheegay in dad magangalyo doon ah oo jooga Ingiriiska ay is qarinayaan iyadoo ay sabab u tahay iyaagoo ka cabsanayain la geyn doono dalka Rwanda .

Sida uu dhigayo heshiis la saxiixay bishii hore , dadka ay ku caddato in ay Ingiriska sharcidarro ku soo galeen waxay wajahayaan in dib loogu duuliyo dalka Rwanda si dib u dejin halkaa loogu sameeyo.

Urarada Bisha Cas iyo Golaha Qaxootiga ayaa sheegay in hanjabaadda dadka in la raro ay keentay in qaar ka tirsan daka magangalyo doonka ah ay ku keentay in ay iyaga naftooda is dhaawacaan , mid ka mid ahna wuxuu isku dayey in uu is dilo.

Hay’adaha gargaarka ayaa dhaliilay qorshahaa dwoladda Ingiriiska oo ay ku timaameen mid ay kaga baxsaeyso mas’uuliyadeeda .

Xafiiska arrimaha gudaha ee ngiriiska ayaa sheegay in ay qaadayaan tallaabo kasta oo looga hortagayodadkaaas in ay iyaga naftooda wax u geystaan ama ay isdilaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor