Dad ku dhintay shil Gaari oo ka dhacay gobolka Mudug

Warar dheerad ah ayaa kasoo baxaya shil Gaari oo ka dhacay deegaano ka tirsan Koonfurta Gobolka Mudug kaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Shilkaan ayaa yimid kadib markii uu ku rogmaday Gaari ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya deegaan lagu Magacaabo Hanaano kaas oo hoostaga deegaanka Bandiiradley ee Gobalka Mudug.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay shilkaas,waxaana la xaqiijiyay in uu hal askari ku geeriyooday 15 ruux oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Gaariga shilka galay ayaa waxa uu ka yimid degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud,waxana uu ku wajahnaa Magalada Gaalkacyo oo ah Xarunta Gobolka Mudug.

Dadka ku dhaawacmay shilkaas  ayaa waxa la geeyay Isbitaalka weyn ee Magalada gaalkacyo si loogu daweeyo.welina shilkaasi kama hadlin Maamulka Gobolka Mudug iyo taliska Ciidanka Millatiga Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor