Ugu yaraan 6 qof ayaa ku geeriyootay, 30 kalena waa lagu la’ yahay daadad ku fatahay Galbeedka dalka Jarmalka.
Roobab mahiigaan oo da’ay iyo Webiyo soo fatahay ayaana sababtay masiibadaasi, iyadoo ay ugu yaraan 6 dhismo ku burbureen.
Boliska Jarmalka waxay maanta sheegeen inay 4 qof geeriyootay, 30 kalena lagu la’ yahay magaalladda Ahwweyler oo dhanka Koonfur kaga toosan caasimadda dalkaasi ee Boon, kadib, markii uu karar-goostay Webiga Ahar.
Ku-dhawaad 50 qof ayaa la sheegay inay ku xayiran yihiin Saqafaka dhismayaasha, iyadoo ay guryo badan khatar ugu jiraan inay soo dumaan.
Waddooyinka Tareenada iyo Gaadiidka ayey waxyeello soo gaartay, iyadoo dhaqdhaqaaqa Maraakiibta la hakiyey.
Hay’adda Saadaasha Cimiladaee dalkaasi waxay sheegeen in Roob xooggan ka da’I doonaan K/Galbeed ee Jarmalka maanta ilaa berrito oo Jimco ah.
Dhinaca kale, dalalka Beljim, Faransiiska iyo Netherlands ayaa laga soo weriyey dhimasho iyo burbur ay sababeen Roobka Mahiigaan ee maalmahan ka da’ayo qeybo ka mid ah dalalka Europe.