Dad ku dhaawacmay dab qabsadey dugsi ku yaala Hargeysa

48 qof ayaa ku dhaawacmay Dab weyn oo ka kacay machadka culuumta diinta, ciidanka Dab-demiska ayaa si degdega uga hawlgalay waxaanay samatabixiyeen dhammaan dadkii, iyadoo la gaarsiiyay cisbitaalka weyn ee Hargeysa.

Dhaawaca ayaa kala ahaa 40 dumar iyo 8 raga, waxaa sidoo kale dhaawacmay askari ciidanka Dab-demiska ka tiirsan, kaasi oo samatabixinayay dadkaas.

Machadkan ayaa waxaa dhiganayay boqolaal arday, kuwaasi oo ku baranayay culuumta diinta, waxaana ciidanku badbaadiyay dhamaan ardaydaas.

Dhismahan ayaa ka koobnaa laba dabaq oo kala ahaa 20 qol iyo masajid.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor