Dad hor leh oo Cudurka COVID-19 ugu geeriyooday gudaha Soomaaliya 

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 70 xaalado cusub oo COVID-19 ah 48-kii saac ee la soo dhaafay,  8 qof ayaa u geeriyootay, waxaana ka bogsatay 25 ruux.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir (48) Puntland (17), iyo Somaliland (5) qof ah, 35 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 35-na ay yihiin haween.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 16,265, waxaa bogsootay 7,913 Ruux. guud ahaan 878 ruux oo kale ayaa u geeriyootay cudurka.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, maadaama uu markale soo labo kacleeyay halista cudurka COVID-19, ayna ku dadaalaan qaadashada talaalka cudurka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor