Dad hor leh oo Covid19 ugu geeriyooday Soomaaliya

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 164 xaalado cusub oo COVID-19 ah 48-kii saac ee la soo dhaafay, 15 qof ayaa u geeriyootay, waxaana ka bogsatay 71 ruux.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay Somaliland (73), Puntland (59), gobalka Banaadir (27), Jubbaland (4) iyo Koonfur Galbeed (1) qof ah, 91 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 73-na ay yihiin haween.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 17,630 waxaa bogsootay 8,604 Ruux. guud ahaan 992 ruux oo kale ayaa u geeriyootay Cudurka.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, maadaama uu markale soo labo kacleeyay halista Cudurka COVID-19, ayna ku dadaalaan qaadashada talaalka Cudurka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor