Dad hor leh oo Cadaado ugu geeriyooday Cudurka COVID-19

Wararka aan ka heleyno Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saacadihii lasoo dhaafay ay ku geeriyoodeen dad looga shakiyay inay qabeen Cudurka halista ee Coronavirus.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in saddex qof oo da’ ah ay ku geeriyoodeen Magaalada Cadaado, kuwaasi oo la tilmaamay inay la xanuunsanayeen Cudurka, iyagoona ku dhintay guryahooda.

Sidoo kale Maamulka Xarunta Xakamaynta Cudurka COVID-19 ee Cadaado ayaa bulshada ka dalbaday inay dadka xanuunsan ay keenaan goobta Caafimaad ee loogu talagalay.

Dad badan oo ku sugan Cadaado ayaa waxaa laga helay Cudurka COVID-19, kadib markii baaritaano kala duwan lagu sameeyay, waxaana sidaas xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka dowlad Goboleedka Galmudug.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media