Dad hor leh oo 24-kii saac ee la soo dhaafay Covid19 ugu geeriyooday Soomaaliya

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka bulshadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 125 xaalado cusub oo COVID-19 ah 24-kii saac ee la soo dhaafay, 11 qof ayaana u geeriyootay, waxaana ka bogsatay 50 ruux.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay Somaliland (62) Puntland (32) gobalka Banaadir (20) Jubbaland (9) iyo Galmudug (2) qof, 71 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 54-na ay yihiin haween.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 11,908 waxaana bogsootay 5,017 Ruux. guud ahaan 568 ruux oo kale ayaa u geeriyootay.

Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, maadaama uu markale soo labo kacleeyay halista cudurka COVID-19.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda Drs Fowsiya Abiikar Nuur ayaa bulshada ku baraarujisay inay qaataan Tallaalka ka hortagga Caabuqa COVID-19 ee AstraZeneca, kaasi oo haatan si habsami leh uga socda gudaha dalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor