Dad Gaajo iyo Harraad dartii  ugu geeriyooday degaanno ka tirsan Galmudug

Abaaro ba’an oo ay dad u geeriyoodeen ayaa laga soo sheegayaa koofurta Gobolka Mudug ee maamul goboleedka Galmudug iyo qaybo ka mid ah Galgaduud.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka mudug ee Galmudug, Axmed Maxmed Shire Qoodaar ayaa Wakaaladda wararka ee SONNA u sheegay inay jirto dhimashada lix qof oo ah dadkii ay abaartu saamaysay.

Dadka u geeriyooday abaarta ba’an ee ka jirta Galmudug ayuu sheegay inay intooda badan kusoo dhinteen dhexda xilli ay kusoo jeedeen magaalada Gaalkacyo qaarna ay iyagu gacmahooda ku aaseen, wuxuuna xusay in dadka qaar ay la il daran yihiin xanuunno ka dhashay nafaqa darrada haysata.

Dadka kasoo hayaamay dhulka miyiga ee ay abaartu ka laysay xoolihii ay dhaqanayeen ayuu sheegay guddoomiyuhu inay qaarkood 12 cisho soo lugeynayeen, iyagoo nolol usoo raadsanaya magaalooyinka ay ugu horreysa Gaalkacyo iyo degaannada ku xeeran, kuwaasoo qaarkood ku biiray xeryaha barakacayaasha, halka qaar kalena ay dul-saar ku yihiin eheladooda.

Maamulka Galmudug ayaa wada dedaallo biyo dhaamis loogu samaynayo dadka ay saamaysay abaarta ba’an ee ka jirta degaannada Mudug iyo Galgaduud.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor