Dad Gaajo iyo Biyo la’aan ugu geeriyooday degaan hoostaga Magaalada Kismaayo

Wararka aan ka heleyno deegaanka Cabdalla Biroole ee hoostega Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas ay dad ugu geeriyoodeen gaajo iyo harraad.

Dad la hadlay VOA-da ayaa u sheegay in deegaanka Cabdalla Biroole ay saacadihii lasoo dhaafay Saddex qof oo isugu jira laba Caruur ah iyo qof waayeel ah ay gaajo iyo biyo la’aan ugu dhinteen deegaankaas.

Deegaanka ayaa waxaa buux-dhaafiyey qoysas farabadan oo xoolahooda ay abaarta ka galaafatay, kuwaasi xaaladdo qalafsan ay ku heeysato tuulooyinka galbeedka Magaalada Kismaayo kaga beegan.

Qoysaska u barakacay Cabdalla Biroole oo ka yimid deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose oo ay ka jiraan abaaro iyo biyo la’aan ayaa Maamulka Jubbaland ugu baaqay inay gargaar deg deg ah la gaaraan, iyagoona sheegay in xaalad adeg ay heysato.

13 ruux oo isugu jiray Carruur iyo dad waayeel ah ayaa deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada Jubbada Hoose iyo Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ugu geeriyooday gaajo iyo harraad, xili Gedo ay tahay meelaha ugu darran ee abaarta saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada, waxaana ku le’day xoolo badan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor