Dad farabadan oo ku hoobtay dab xoog leh oo qabsaday Xero ay deganaayen

Hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ugu yaraan shan iyo toban qof ay dhinteen halka afar boqol oo kalana aan la oogeyn meel ay jaan iyo cirib dhigeen ka dib markii dab qabsaday qaybo ka mid ah xerada ballaaran ee qaxootiga Rohingya ee Bangladesh.

Afhayeenka hay’adda ayaa sheegay in dadka maqan ay surogal tahay inay ku hoos jiraan burburka ka dhashay dabka halkaasi ka kacay kaasi oo uu ku tilmaamay mid aad u culus.

Boqolaal qof ayuu dhaawacmay musiibada halka in ka badan 45 kun oo qof oo ku noolaa guryaha ku meel gaar ah ay haatan ku soo dheceen meel cidla ah.

Xeradaan oo ku fadhida dhul baaxaddiisu gaaraya 8 kun oo hectar ayaa waxay hooy u tahay qooxiti aad u badan oo ka mid ah Muslimminta Rohinjiya oo ka soo carayay khalalaasihii Myanmar ee iyaga lagu bartilmaameedanayay.

Musiibo tan la mid ah ayaa bishii Janaayo ka dhacday isla xeradaan taasi oo horseedday in kummanaan qof ay hooy la’aan noqdaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor