Dad falastiiniyiin ah oo la laayay iyo faah faahin laga helay

Wasaaradda Caafimaadka Falastiin ayaa sheegtay in wiil dhalinyaro ah oo reer Falastiin ah ay dileen Ciidamada Israa’iil oo ku sugnaa meel u dhow tuulada Nab Saalax (waqooyiga Ramallah) oo ku taal Daanta Galbeed.

Sida  sida lagu daabacay Wakaaladda wararka Anaadool Ciidamada Israa’iil wayaa Rasaas ku furay dhalinyarada reer Falastiin, iyag oo ku andacoonaya in ay isku dayayeen in ay fuliyaan weerar  ka dhan ah askarta Israa’il oo meesha ku lahaa bar kontorool.

Falka dilka ah ka dib Ciidamada Yahuuda ayaa kordhiyay Ciidamadoodii ku sugnaa  goobtii ay wax ka dheceen, intaasi ka dib iska hor imaad ayaa ka dhex qarxay dhalinyarada reer Falastiin iyo ciidamada Ciidamada Yahuuda, waxaana halkaasi markale ka dhacay dhimasho iyo dhaawac.

Wakaaladda Anaadool Agency oo soo xiganaysa Ilo wareedyo maxalli ah ayaa sheegtay in ay jiraan dadkale oo ay halkaasi ku dileen Ciidamada Israa’iil wallow ana tiradooda la xaqiijin.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media