Dad fal dambigeedyo gacmaha kula jiray oo lagu xiray Magaalada Addis Ababa

Ciidanka booliiska magaalada Addis Ababa, ayaa ku dhawaaqey iney xireen in ka badan 320 qof.

Dadkan la xir xirey ayaa lagu eedeeyey iney ka wadeen magaalada hawl gal la xiriira TPLF, iyadoo la qabtey hub aad u tiro badan.

Madaxa booliiska Addis Ababa, Getu Argaw, ayaa ku sheegay bogga ay ku leeyihiin baraha bulshada, in dadka la xirey ay fal dambigeed gacmaha kula jireen markii lasoo qabqabtey, haatanna uu baaritaan ku socdo.

Sidoo kale, waxaa jira warar sheegaya iney jiraan dad kaloo la xirey, kuwaasoo su’aalo laga weeydiinayo sababta ay uggu xadgudbeen calanka Itoobiya, mar ay ku sugnaayeen goobaha lagu caweeyo iyo madadaalada.

Xiritaanka dadka waxaa raacsan in booliiska ay gacanta ku dhigeen hub fara badan, sida uu sheegay madaxa booliiska.

Intii lagu guda jirey hawlgalkii dadka bada lagu soo qaqabtay, ayaa booliiska waxey baaritaan ku sameeyeen 793 dukaan, goobo lagu caweeyo, hoteello iyo xarumo ganacsi oo kale, kuwaasoo sida ay sheegeen booliiska lagu tuhmay iney halis ku yihiin ammaanka Itoobiya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor