Dad dhisanaya dhul Ciidan oo Digniin adeg loo diray

Taliyaha qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga dalka ee deegaanada Galmudug Cabdicasiis Cabdullaahi Qooje iyo wafdi saraakiil ah uu hogaaminayay ayaa gaaray Degmo xeebeedka Hobyo ee Gobolka Mudug.

Ujeedka Taliye Cabdisaciis Qooje ee Hobyo ayaa waxaa ay tahay ka Jawaabida Cabasho kasoo jeertay Maamulka Degmada Hobyo, taasi oo ku aadan dad howlan dhismaha dhulka  Ciidanka badda ee ku yaalla degmadaas.

Guddoomiye ku-xigeenka Hobyo Maxamuud Maxamed Cawaale oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu u mahadceliyay Taliska qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga dalka, kuwaasi oo uu sheegay inay ka Jawaabeen Codsi oo uu maamulka Degmada u diray.

Waxaa uu sheegay Guddoomiye Caraale in muddo dhowr ah dadka uga digeen in aysan dhisin dhulka Ciidanka Badda ee dowladda, hayeeshee ay ka dhaga adeegeen, taasina ay keentay in Codsi loo diro Ciidanka qeybta 21-aad si wax looga qabto arrimaha taagan.

Taliyaha qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga dalka ayaa waxaa uu sheegay in mamnuuc  ay tahay in la dhisto ama la dego dhulka dowladda gaar ahaan kuwa Ciidanka Badda ee ku yaalla Degmada Hobyo.

Taliye Qooje ayaa dadka ku sugan Hobyo ee doonaya inay dhistaan ama gataan dhulka dowladda uga digay inay ka joogaan Arrintaas, wuxuuna tilmaamay in tallaabo adeg laga qaadi doono dadkii lagu qabto  arrintaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media