Dad careysan oo xirtay waddo ku taalla Muqdisho iyo rasaas la maqlayo

Waxaa Banaanbax xoogan uu ka socdaa inta u dhexeeysa Isgoyska Jubba iyo Taaladda Daljirka daah-soon ee Degmada Banoodheere ee Gobolka Banaadir, kaas oo looga soo horjeedo Dil xalay ka dhacay agagaarka Isgoyska Jubba.

Boqolaal shacab ah oo isugu jiray Haween, Caruur, dhalinyaro iyo Odayaal isugu soo baxay wadada laamiga ah ee Daljirka daahsoon ee Boondheere, iyagoo ah kuwo aad uga careysan dil Askari Boolis ah uu u geystay Wiil dhalinyaro ah iyo Haweeney.

Dadka Banaanbaxa dhigaya ayaa laamiga ku gubaya taayaro waaweyn,  waxaana hawada sare laga arkayaa Uuro Madow, waxaana banaanbaxayaash ay xireen wadada, iyagoona ku qeylinaya Erayo ka dhan dowladda.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo ku sugan Nawaaxiga uu Banaanabaxa ka socdo ayaa maararka qaarkood ridaya rasaas, taas oo ay ku doonayan inay dadka ku kala eryaan, hayeeshee dadka ayaa arrintaas ka biyo diidan.

Fiidkii hore ee xalay ayay banaanbax xoogan dadkaas ka dhigeen Isgoyska Jubba ee Muqdisho, waxaana  ay gubayeen taayaro waaweyn, iyagoo ahaa kuwa aad u careysan, sida lagu arkayay Muuqaalo laga soo duubay oo TV-yada laga sii baahiyay.

Taliska Booliska Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Askariga dilka geystay gacanta lagu dhigay, sidoo kalena la xiray, isla markaana sharciga la horgeyn doono si cadaalada loo marsiiyo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media