Dad Careysan oo Rabshado ka wada Magaalada hargeysa

Wararka ka imaanaya Magaalada Hargeysa ee Xarunta Somaliland ayaa ku warramaya in Caawa qayb ka mid ah   Magaaladaasi uu Qala-laase ka jiro, waxaana lasoo sheegaya warar kala duwan oo ku aaddan Rabshadahaasi.

Waxaa la soo sheegayaa in dad caraysan ay Dab qabadsiiyeen Xaafado u dhow garoonka Kubadda cagta ee Hargeysa Stadium, waxaana dadkaas Caraysani ay doonayaan in ay gudaha u galaan Garoonk.

Waddooyinka ka baxa Garoonka Hargeysa Stadium iyo kuw soo gala ayaa waxaa lagu arkayaa dad shaacb ah oo farabadan, kuwaasi oo Taayeero ku kubaya waddooyinka, iaydoo laamaha ammaanka hargeysa ay wadaan dadallo lagu doonayo in lagu baajiyo Rabshadahaasi ay wadaan dadka Caraysani.

Shacabka isugu soo baxay waddooyinka hargeysa ayaa ka caraysan cayaar Kubadda cagta ah oo Galabta ka dhacaday Garoonka Kubadda cagta Hargeysa Stadium, waxaana cayaartaas oo ahayd mid aad u Xamaasad badnayd ay u dhaxaysay labada Gobol ee Daad-madheedh iyo Howd, waxaana Cayaartaas ka dhashay Rabshado, iyadoo guud ahaanba cayaarta aan la shaacin Natiijada ama Cidda guusha qaadatay, waxaana go’aan Kasoo gaari doonta Wasaaradda Cayaaraha.

Waqtiga loogu tala galay cayaartaas ayaa ku dhammaatay Goalal la’aan, waxaana Muran badani uu ka dhashay Gool ku laad loo dhigay Gobolka Howd.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media