Dad careysan oo Banaanbax xoogan ka dhigay Magaalada Garoowe

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa saakay waxaa ka dhacay Banaanbaxyo xoogan oo looga horjeeday Sicir barar xoogan oo ka jira halkaas, sida aan wararka ku heleyno.

Dadweyne badan oo u badnaa Ganacsato ayaa isugu baxay barxadda Garoowe ayaa sheegay in aad uga xun yihiin Sicir bararka maalmihii lasoo dhaafay ka jiray Magaalada iyo Go’aankii kasoo baxay Golaha Wasiirada Puntland.

Qaar kamid dadkii dhigayay banaanbaxa oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay inay maciishada ay sii qaaliyoobayso, isla markaana sare u kac uu ku yimid qiimaha Lacagta Shilinka Soomaaliga, waxaana Garoowe dollar ayaa lagu kala badalanayaa 40 kun Sh.

Sidoo kale dadka ayaa sheegay in Sicir bararka ka jira uu saameyn ballaaran ku yeeshay qoysaska dantayar, waxaana dadkii banaanbaxayay ee Maamulka Puntland ka dalbadeen in arrintaan ay wax ka qabato.

Garoowe Qiimaha lagu kala sarifanayo $1 dollar ayaa hoos u dhacay, waxaana sara u kacay qiimaha Lacagta Shilinka Soomaaliga, iyadoo $1 dollar lagu sarifayo 40 Kun oo Shilinka Soomaaliga, halka uu horey u ahaa 48 – 50 oo Shilinka Soomaaliga ah.

Dhinaca kale waxaa Maanta xiran Inta badan Suuqyda waaweyn ee Magaalada Garowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, kadib markii uu kor u sii kacay sarifka doolarka, sidoo kalena Puntland ay la xadiday lacagta danabaysan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media