Dad careysan oo Banaanbax ka dhigay Magaalada Laascaanood

Qaar kamid ah dadka deegaanka Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa habeenkii xalay aheyd gudaha Magaaladaas ka dhigay banaanbax ay uga horjeedan dil loo geystay Xildhibaan ka tirsanaa Golaha degaanka Laascaanood.

Dadkii banaanbaxa dhigayay oo isugu dhalinyaro iyo haween ayaa sheegay inay ka careysan yihiin dil ay koox ku hubeysneyd Bastoolad u geysteen Marxuum Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Cardoofe, xili uu ku sugnaa afaafka hore ee hoygiisa.

Dadkaas dhigay banaanbaxa ayaa laamaha amniga Somaliland ee Gobolka Sool iyo kuwa Laascaanood ka dalbaday inay si dhaqsi ah gacanta ugu soo dhigaan dadkii ka dambeeyay falka lagu khaarijiyey Cabdirisaaq Cardoofe oo ka tirsanaa Golaha deegaanka.

Dabley wadatay Bastoolad oo aan hubeytooda la garan ayaa Xildhibaanka ku toogtay afaafka hore ay hoygiisa xili uu hor-fadhiyey, iyagoona halkaas durbo ka baxsaday, wuxuuna sidoo kalen Marxuumka ka tirsanaa Xisbiga Waddani ee Somaliland.

Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa dhowr horey uga dhacay dilal qorsheysan oo lagu fuliyey Mas’uuliyiin iyo xubno kale, waxaana inta badan falalkaas geystay rag hubeysan oo aan heybtooda la garan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor