Dad ka Careysan Darawal Muqdisho loogu dilay Nus Dollar oo dhigay Banaanbax xoogan

Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Ilaalada Waddooyinka ee taraafikada ayaa duhurnimadii Maanta Darawal Mooto Bajaaj ku dilay Isgoyska Dabka Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in Askariga iyo Darawalka Mooto Bajaaj uu soo kala dhex-galay muran kooban oo la xiriira lacag Nus Dollar, kadibna uu Askariga rasaas si bareer ah ugu furay Darawalkii waday Mooto Bajaajta, isagoona goobta uu dhintay.

Falka kadib ayaa waxaa Isgoyska dabka ka bilowday banaanbax rabashado watay oo ay dhigeen boqolaal dhalinyaro oo u badnaa Darawalo Mooto Bajaaj, iyagoona Isgoyska ku xiray Mootiiyin, sdioo kalena diidayey in halkaasi gaadiid maraan.

Qaar kamid ah dhalinyarada ayaa waxaa mararka qaarkood dhagxaan ku tuurayeen Ciidamo ka tirsan dowladda oo ku sugnaa meel ku dhow Dabka iyo gaadiidka ay wateen ee halkaasi kasoo dhawaaday, waxaana ay Ciidanka kor u ridayeen rasaas.

Dhalinyarada ayaa ku qeylinayay ereyo ka dhan ah Ciidanka dowladda, isla markaana ay ku eedeeyeen in si micno daro ah u dilaan dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan, waxa ayna ku baaqeen in Askariga dilkan geestay lasoo qabto lana horgeeyo Cadaalada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor