Dad badan oo ku le’day Qaraxyo gilgilay Equatorial Guinea iyo gurmad socda

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhimatay 420 qof kalana waa ay ku dhaawacmeen qaraxyo culus oo gelinkii dambe ee shalay oo Axad aheyd gilgilay Magaalada Bata ee dalka Equatorial Guinea.

Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Equatorial Guinea ayaa sheegtay in khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay ka dhasheen Qaraxyada ruxay Caasimadda  dalkaas, ayna jiraan dad qaba dhaawacyo halis ah.

Madaxweynaha Equatorial Guinea Teodoro Obiang ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhashay baaruud halis ah oo la dayacay taas oo taalay xero ciidan oo magaalada ku taalay

Qaraxyada oo cuslaa ayaa geystay bur bur xoog leh oo gaaray guryaha ku yaalay aaga xerada ciidamada, waxaana cirka isku shareeray uuro iyo qiiq farabadan oo ka baxayay dhismayaal dhowr ah.

Isbitaalada Magaalada Bata ayaa buuxsamay waxaana soconaya gurmad xoog leh oo loo sameeynayo dadkii waxyeelada kasoo gaartay qaraxyada, iyadoo inta badan Caasimadda Equatorial Guinea laga maqlayo dhawaqa gaadiidka gurmadka deg dega ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor