Dad ay ku jiraan Soomaali oo fal dhaawac ah loogu geystay Mareykanka

Dad dhowr ah oo ay ku jiraan Soomaali ayaa fal dhaawac ah waxaa fiidnimadii Jimcaha loogu geystay koonfurta Magaaladda Minneapolis ee dalka Mareykanka, kadib Israsaaseyn dhexmartay dad hubeysan.

Booliska Minneapolis ayaa sheegay in dad hubeysan oo ku sugnaa Saddex meelood oo kala duwan oo ku yaalla koonfurta Magaaladda Minneapolis ay Israsaaseeyeen, isla markaana rasaasta ay ku dhaawacmeen Lix ruux oo ay ku jiraan Soomaali.

Ciidanka Booliska Magaaladda Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa tilmaamay inay wadaan baaritaano kala duwan oo ku aadan sababta keentay in dadkaas ay rasaas khasaaro dhalisay ay isweydaarsadan.

Dadka dhaawacmay oo ay qeyb ka yihiin dhalinyaro Soomaali ah ayaa waxaa la geeyay Isbitaalo, si loogu daaweyo, waxaana Booliska ay wadaan baaritaano ku aadan qaabka uu u dhacay falkaas.

Weli lama cadeyn magacyadda dadka dhaawacmay iyo dadka ka dambeeyay fal dambiyeedyaddan kala duwan ee ka kala dhacay Saddex meelood oo ku yaalla koonfurta Magaaladda Minneapolis ee dalka Mareykanka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor