Dableydii ka dambeysay dilkii Madaxweynihii Haiti oo sir Cusub laga helay

Madaxweynaha dalka Kolombiya Iván Duque ayaa sheegay in qaar kamid ah dadka reer Colombia ee lagu tuhmayo dilkii madaxweynihii Haiti Jovenel Moïse ay “aqoon durugsan” u lahaayeen qorshaha dilka hogaamiyahaii Haiti.

Mr Moïse ayaa toddobaadkii hore lagu dilay gurigiisa iyadoo sidoo kalana xaaskiisa la dhaawacay.

Booliska Haiti waxay sheegeen in koox calooshood u shaqeystayaal ah oo ka koobnaa askar hore oo reer Colombia ah ay dileen Mr Moïse.

Mr Duque wuxuu sheegay in dadka reer Colombia badankood la khiyaameeyay maadama loo sheegay inay ilaaliyaal ka noqon doonaan Haiti.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor