Dab xoogan oo ka kacay goobo Ganacsi oo ku yaalla Muqdisho

Dab xoogan ayaa Goordhaweyd waxaa uu ka kacay goobo Ganacsi oo ku yaalla Magaalada Muqdisho gaar ahaan Isgoyska KM-4 dhinaca wadada aada Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacada Dalsan ayaa waxaa ay u sheegeen in Dabka marka hore uu ka bilowday kaalin lagu iibiyo Shidaalka, isla markaana uu kusii faafay goobo kale oo ganacsi iyo Maqaayado ka Agdhawaa Xarunta.

Sidoo kale goobaha uu dabka ka kacay ayaa waxaa ka socda dadaalo xoogan oo lagu deminayo dabkaas, waxaana halkaas gaaray gaadiidka dab demiska Maamulka Gobolka Banaadir iyo kuwo si gaar ah loo leeyahay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Soomaaliya ayaa xiray aaga uu dabka ka kacay, iyagoona amniga sugaya, waxaana halkaas buux dhaafiyay boqolaal ruux oo shacab ah.

Inta badan Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa laga arkayaa uuro Madow oo cirka isku shareertay, taas oo ka baxeysa goobta uu dabka ka kacay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media