Dab xoog leh oo Maanta baabi’iyey goobo Ganacsi oo ku yaalla Magaalada Muqdisho

Dab xoog leh ayaa barqanimadii Maanta ka kacay Suuqa lagu caanaha ee ku yaalla Seybiyaano ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, kaasi oo geystay khasaaro hantiyadeed oo farabadan, sida ay sheegeen Goobjoogayaal.

Dabka oo markii hore ka bilowaday Xarun time-Jare ayaa kusii faafay goobo Ganacsi oo ay ku jiraan Bakhaaro waaweyn oo lagu iibyo raashinka iyo agayb kale oo badan, kuwaasi oo ku yaalla qeybo kamid ah Suuqa caanaha ee Seybiyaano.

Gaadiidka dab demiska Maamulka Gobolka Banaadir iyo kuwo ay leeyihiin Shirkaddaha Isgaarsiinta ayaa tegay Suuqa uu dabku ka kacay, iyadoona lagu guuleystay deminta dabkii kacay oo socday ku dhawaad laba saacadood oo xiriir ah.

Qaar kamid ah dad Goobjoogayaal ah oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in dabkaas uu baabi’iyey 5 Dukaan oo ay ku jiraan Bakhaaro lagu iibiyo raashinka iyo goobtii jima-jaraha aheyd ee markii hore dabka ka bilowday.

Taliye ku-xigeenka qeybta Booliska ee Waliyoow Cadde Gaashaanle Isxaaq ayaa sheegay in dabka uusan geysan wax khasaaro nafeed ah, balse uu baabi’iyey hanti farabadan oo ay lahaayeen dad Ganacsato ah, wuxuuna xusay in dabkaas lagu guuleystay demintiisa.

Dabka ka kacay Suuqa lagu caanaha ee ku yaalla Seybiyaano ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu ka dhashay koronto ku jirtay goob Jime-Jare ah. Mana ahan markii ugu horreeysay oo dabkaan oo kale uu ka kaco Suuq ku yaalla Muqdisho.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor