Dab waxyeello geystay oo ka kacay suuqa xerada Dhagaxley

Wararka ka imanaya xerada Dhagaxley ee ka tirsan xeryaha qaxootiga Dhadhaaba ayaa sheegaya inuu dab ka kacay suuqa weyn ee xeradaasi.

Suuqan oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn degaankaas ayaa dabkaasi uu burburiyey meherado iyo dukaano badan oo ganacsi.

Muuqaallada laga soo duubay suuqaas ayaa muujinaya dabka oo gubaya dhismayaasha ka samaysan bacaha iyo maryaha, iyo dadka oo ka cararaya dabka.

Suuqan ayaa la sheegay inaysan ahayn markii ugu horraysay ee uu dab ka kaco.

Ma cadda khasaaraha uu dabkani gaystay inta uu le’eg yahay ilaa hadda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor