Dab Khasaaro Nafeed geystay oo ka kacay Guri ku yaalla Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dab xoogan oo xalay saqdii dhexe ka kacay Guri ku yaalla Xaafad ka tirsan Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir, kaasi oo geystay Khasaaro nafeed iyo mid hantiyadeed.

Dad ku sugan Xaafada Suuqa xoolaha oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa waxaa u sheegeen in xalay Guri ku yaalla Xaafaddaas uu ka kacay dab socday muddo laba saacadood ah, uuna ahaa mid xoogan.

Dadka deegaanka iyo gaadiidka Dab demiska Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay waqti dambe deminta dabkii ka kacay Guriga oo gabi ahaan noqday mid burburay, sida lagu arkayay Sawirro laga soo qaaday halkaas.

Sidoo kale goobta ayaa waxaa tegay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Hiliwaa, waxaana dabkaas ku geeriyootay qof Haweeney ah oo kamid aheyd dadkii ku sugnaa Guriga.

Warar la helayo ayaa sheegaya in dabkaas uu ka dhashay Koronto ku jirtay Guriga, wuxuuna bilowday abaaro Lix-saac habeenimo, iyadoona dadaal dheer ah oo la galay lagu guuleystay demistiisa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media