Daawo Sawirrada burbur gaaray Guri ay ku dagaalameen Ciidamada Jubaland iyo maleshiyaad hubeysan

Gelinkii dambe ee Maanta ayaa Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa ku dagaalamay ciidamada Amniga Jubbaland iyo maleeshiyaad hab beeleed u abaabulan.

dagaalka ayaa waxa ka dhashay dhimashada Afar Ruux uu ka mid ah ahaa Nabadoon Caanka ahaa Magalada Kismaayo iyo guud ahaan gobolada Jubbooyinka kaas oo dhex dhexaadinayay.

Dad ku sugan Kismaayo ayaa waxa ay sheegeen in Ciidamada Amniga Jubbaland ay Madaafiic ku garaaceen Guri ku yaalla Xaafada Calanley kadib markii Ciidamada hab beeleedka u abaabulan ay galeen.

Sawiro laga soo qaaday Guriga ay Ciidamada Jubbaland hubka culus ku garaaceen ayaa muujinayay Guriga oo uu burbur xoogan ka muuqday.

Aafhayeen u hadlay laamaha Aamniga Jubbaland ayaa sheegay in howgal ay Kismaayo ka fuliyeen ku soo qabteen 11 Ruux oo hubeysan oo uu ku sheegay inay falal anidarro wadeen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor