DAAWO:-Guddoomiye Jacfar oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Deyniile

Guddoomiyaha Degmada deyniile ee Gobolka Banaadir Maxamed Abuukar Jacfar ayaa ka hadlay dagaal xoogan oo saakay ka dhacay qeyb kamid ah degmadaas oo u dhexeeyay Ciidamo ka tirsan Maamulka deyniile iyo kuwa Milateri ah.

Guddoomiye Jacfar oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamo ka tirsan Milateriga dowladda ay saakay burburiyeen guryo ay lahaayeen dad shacab ah oo ku yaallay deegaanka Beco, hayeeshee markii uu maamulka Degmada u tegay ay dagaal ku bilaabeen.

Isaga oo sii hadlaayay Guddoomiye Maxamed Abuukar ayuu tilmaamay in aysan raali ka noqon doonin dhibaatooyin kala duwan ee loo geysto dadka shacab ah ee kunool degmadiisa, wuxuuna xusay in tallaabo laga qaadi doono cid kasta oo isku dayda.

Dagaalkii Maanta ka dhacay degmada deyniile ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray, waxaana halkaas ku geeriyooday 5 ruux, halka tirro kalena dhaawac uu soo gaaray.

Hoos ka Daawo Muuqaalka Guddoomiye Jacfar.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media