DAAWO: Doorka Baarlamaanka Federaalka ee xakameynta COVID-19

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee mudd xileedkoodu dhammaaday ayaa dood adeg ka yeeshay xakameynta Cudurka halista ah ee COVID-19 oo mar labaad kusoo laba kacleeyay dalka Soomaaliya.

Dooda Xildhibaanada ayaa waxaa ka qeyb galay qaar kamid ah Culimada Soomaaliyeed, iyagoona marka hore soo dhaweeyay Go’aankii dowladda Federaalka ku xirtay goobaha Waxbarashada, si looga hortego faafida Cudurka.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay qaatan tallooyinka Caafimaad ee loo jeedinayo, ayna kala fogaadan, si loo xakameyo faafida Cudurka COVID-19 oo soo laba kacleeyay.

Dooda ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaan Cabdi shire Ciyaar Jecel, Senatar Samsam Ibraahim Cali iyo Senatar Nuuro Faarax Jaamc oo ka kala tirsan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka ayaa si maalinla ah u shaacisa kiisas farabadan oo laga diiwaan-geliyay gudaha Magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka, sidoo kalena ay jiraan dad badan oo Cudurka ugu geeriyooday dalka.

Hoos ka Daawo Muuqaalka Dooda Xildhibaanada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor