Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ka hadlay buuqii lagu sameeyay Khudbadii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee furitaanka Kal-fadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
“Tillaabo qaldan ilama ahayn wixii baarlamaanka ka dhacay waxaa la rabaa madaxweynuhu inuu dareemo xanuunka ay leedahay markuu isagu Dastuurka ku tumanayey buuq yar buu u adkeysan waayeye,Siyaasiyiin buu amray in guryahooda lagu wareeraro, madaxweynayaashii xilka uga horreeyey buu isbaaro garoonka u dhigtay, Senatarada ku buuqay buu garoonka ka celiyey iyagoo Janaaso u socda” ayuu yiri CC Shakuur.
hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir oo wareyssi siiyay telefashinka Dalsan ayaa waxaa uu yiri ”Jawaari markii la ridayey xildhibaanno iyo wasiirro ayaa buuqayey oo Firimbi yeerinayey taas lama yaabbani ee dulqaad la’aanta Madaxweynaha iyo waxa uu ku kacayo ayaa meel iskula kay gali weysan”
Hoos ka Daawo Muuqaalka C/raxmaan C/Shakuur Warsame.