Daadadkii ku rogmaday Qardho oo Digniin laga soo saaray

Maamulka Puntland ayaa Digniin kasoo saaray xaaladda Caafimaad ee Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar ee Puntland, kadib markii maalmo kahor ay halkaas ku rogmadeen daadad xoogan oo ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ka da’ay.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Jaamac Faarax Xasan ayaa waxaa uu sheegay in nadaafad-darro ay ka jirto Magaalada Qardho, isla markaana ay daadadka isku fureen Ceelashii biyaha ay dadka ka cabiyeen iyo suuliyaashii ku yaallay halkaas.

Waxaa uu sheegay Wasiir Jaamac Faarax in nadaafad-darrada ka jirto Qardho laga cabsi qabo inay ka dhashaan cuduro halis ah, maadaama daadadkii ay waddooyinka iyo suuqyada ku reebeen qashin farabadan iyo waxyaabo kale oo daadadka soo raacay.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa waxaa uu tilmaamay in gudaha Magaalada ay u baahan tahay olole nadaafadeed oo xoog leh, waxaana waddooyinka dhooban qashin, iyadoona arrintaas ay sababi karto xanuuno ay ku jiraan Shuban biyood  iyo daacuun.

Ugu dambeyn Maamulka Puntland ayaa dadka shacabka ugu baaqay inay ka fogaadan meelaha sida darran ay waskhda u buuxdo, sidoo kalena iska ilaaliyaan biyaha ay cabayaan, maadaama ay isku furmeen Ceelasha biyaha suuliyaashii ku yaallay halkaas.

Qardho ayaa dhawaan waxaa ku rodmaday daadad xoogan oo ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ka da’ay gudaha Magaaladaas, waxaana halkaas ku dhintay 7 ruux oo shacab ah, halka kuwo kalena uu daadku qaaday, balse lasoo badbaadiyay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media